(Dhuuntoow) 25 Luulyo 2018 – Dadka ku dhaqan deegaan Dhuntow oo ka tirsan Ceelwaaq Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan militariga Kenya ay halkaasi ku dileen laba qof oo dadka deegaanka ka tirsan.
Wararka ayaa sidoo klae sheegaya in ciidamadu ay burburiyeen Anteeno ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ee laga leeyahay Somalia.
Hadaba waxaan arrintan ka waraysanay gudoomiya ku xigeenka degmada Ceelwaaq Soomaaliya Sahal Macallin Aadan oo qadka taleefoonka iigu waramay isaga oo ku sugan Ceelwaaq.
Waa markii 2-aad oo ay arrintan ku kacayaan ciidamada Kenya ay arrintan ku kacayaan, mana jirto tillaabo ay ilaa haatan qaadday dowladda Somalia oo galaalgal diblomaasiyadeed la leh Kenya.
Xigasho: BBC Soomaali
Hadalsame Media