(Roma) 25 Luulyo 2018 – Dalka Talyaaniga ayaa waxaa ka socota dacwo la yaab leh kaddib markii dacwo lagusoo oogay dad la sheegay inay Facebook iyo Twitter ka hanjabeen, iyadoo diiraddu saaran tahay ilaa 39 profile oo Facebook oo uu dacwad ka gudbiyay dacwad oogaha dadwaynaha ee magaalada Palermo.
Dadkan ayaa lagu haystaa inay u hanjabeen oo aflagaaddeeyeen madaxwaynaha Talyaaniga ee Sergio Mattarella bishii hore ee Juun, iyadoo marka hore hubaal laga dhigayo in dadkan ka hanjabey Facebook iyo Twitter ay dad sax ah yihiin iyo in ay yihiin magacyo beenaad.
Waxyaabaha dadka qaarkood ee la soo dacweeyey lagu haysto waxaa ka mid ah iyagoo adeegsaday erayga ”halka walaalkaa laga dilay adiga in lagu dilo ayey ahayd”. Walaakiis waxaa uu aad u daba dhigtay maafiyada sanadihii 1980-kii oo ay maafiyada qarxisay isaga iyo garsoore kale.
Warbixinta waxa ay soo qaadatay afar ka mid ah u hanjabay inay ugu yaraan 15 sano oo xabsi ah geli karaan. Taageerayaasha xisbiyada Lega Nord iyo 5 Stelle ayaa waxa ay ka caroodeen mar uu Madaxweynaha magacaabay ra’iisulwasaare aan xisbi ka tirsaneyn oo la yiraahdo Carlo Cottarelli. Cottarelli waxa uu ahaa nin wax badan ka badalay lacagihii siyaasada lagu cuni jiray badankood ee u yareeyey isagoo sanad kaliya 400 milyan soo celiyey.
Afar mid ah kuwa dacwada loo haysto waxa ay ka soo jeedaan magaalada Palermo ee gobolka Sicilia.
Hadalsame Media