(Gothenburg) 25 Luulyo 2018 – Saxaafadda reer galbeedka ayaa si weyn uga faalloonaysa Elin Ersson oo ah ardayad Swedish ah. Wejiga hore ama ilqabadka wargeysyada Yurub gaar ahaan kuwa Sweden iyo UK ayaa waxaa qabsaday sheekada la xiriirta inan Swedish ah oo lagu magacaabo Elin.
Elin oo ka dhoofeysay garoonka Gothernburg ayaa xaqiiqsatay in diyaaradda xoog lagu saarayo oday u dhashay Afgaanistaan oo magangalyo doon ah.
Elin waxay qaadatay go,aan lagu tilmaamay geesinimo waxayna diiday in ay fariisato diyaarada iyada oo aad ula dooday ula dirirtay shaqaalaha diyaarada iyo saraakiil amaan oo la socday ninka la masaafurinayay intii sheekada socotay waa ay duubeysay oo live ayeey ku jirtay waxaana isku dayay in uu joojiyo oo taleefanka ka qaado nin british ah inkastoo markii danbe loo soo celiyay taleefanka.
Elin mararka qaar waa ay ilmeyneysay iyada oo la xanuunsaneysa odeyga, ugu dambayntii waxaa hirgalay qorshaha Elin iyadoo ninkii la masaafurinayay laga reebay diyaaradda.
Hadalsame Media