AC MILAN VS MAN UNITED: Shaxda & safafka ay kusoo geli karaan!

0

(Los Angeles) 25 Luulyo 2018 – Waxaa berri aroortii xilliga Yurub ballansan labada camaaliqo ee AC Milan iyo Man United oo ku ballansan koobka International Champions Cup 2018, oo ay xagaagan uga qayb gelayaan dalkaasi Maraykanka.

Labada kooxood ayaa ku ballansan gegada wayn ee Rose Bowl Pasadena, oo ku yaalla afaafka hore ee Los Angeles, haddii aad xusuusato waa meeshii lagu ciyaaray final-kii Koobkii Adduunka 1994 ee Italy vs Brazil.

Milan oo uu wato Gennaro Gattuso ayaa wajahaysa kooxda Manchester United ee José Mourinho, waxayna labada kooxood oo ay laacibiin dhowr ihi ka maqan yihiin wada dheelayaan shaxda 4-3-3 ee ka bogo safafka suurtagalka ah.



Hadalsame Media