(Hadalsame) 25 Luulyo 2018 – Geeska Africa nabadeeda iyo hurumareeda oo ay ka maqan tahay Soomaaliya waxaa hubaal ah inaysan soconeeynin, taasi waxaan ka wadaa Soomaaliya waa hal boowlaha nabada iyo dhaqaalaha Geeska Africa marka laga eego dhanka dadkeeda iyo meesha ay ku taalo.
Waxaan arkaa isbadalada siyaasadeed ee ka socdaa Geeska Africa inay tahay midii lagu dhabeyn lahaa soo noqoshadda riyadii ahayd shanta Soomaaliyeed, waa hadii ay dadkeena dhinac iska dhigaan is riix riixa siyaasadeed oo ay u heshiiyaan dantooda guud. Waxaa dhici kara dad badan oo ila yaaban ama oranaayo wuu iska leeyahay, bal Marka aad deristo Geeska Africa waxaan u arkeeysaa inuu jiro fursad waa hadii ay Soomaalidu leedahay aragti dheer.
Dhoolla-tuska ka socda Abudhabi waa mid mala awaal ah oo aan waxba u dhimi karin xiriirka Turkiga iyo Soomaalida, waxaana hubaal ah hadeey labadaas dowladood ay is wataan inay guushu ayaga u dambeyn doonto.
Soomaalida waxay dhaqan u leedahay ninka abaalka u galo inaysan iloobin, waana sababtaas aan markasta u taageeraayo Erdogan iyo siyaasadiisa ku aadan aduunka muslimka iyo qaasatan Soomaaliya, taas awgeed waa inaan xoojinaa xiriirka gacansi, dhaqaale iyo amaan aan la wadaagno dowlada Turkiga.
Qore: Sheekh Nuur A Qaasim
Hadalsame Media