Xiriirka Jarmanka oo si jees jees ah ugu jawaabay Mesut Özil

0

(Berliin) 24 Luulyo 2018 – Xiriirka Kubadda Cagta Jarmanka ee (DFB) ayaa ganafka ku dhuftay eeddii kaga timi Mesut Ozil oo sheegay inuu xulka dalkaasi uga baxay “isir faquuq” iyagoo dhanka kale ku celiyay arrin siyaasadeed oo ah inuu laacibkan khadka dhexe sharraxaad ka bixiyo sawirkii uu la galay madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

Ozil ayaa Axaddii ku dhawaaqay inuu ka howlgabay ciyaaraha caalamiga ah tiiyoo uu 29-jir uun yahay, isagoo ku dooday inuu la kulmay “cunsuriyad iyo xushmad darro” wuxuuna sheegay in kaligii loo qabsaday fashilkii Koobka Adduunka taasoo loo yeelayo kulan uu bishii Maajo la qaatay madaxwaynaha Turkiga.

Yeelkeede, xiriirka DFB ayaa ku adkaysanaya in Ozil uu “jawaab ka bixiyo” sawirka uu la galay Erdogan, iyagoo ku dooday in sawirkaasi “uu su’aalo badan ka dhaliyay dalka Germany”.

“Xiriirka DFB wuu ku farxi lahaa haddii uu Mesut Ozil baaqi kusii ahaado xulka qaranka, balse haatan si kale ayuu doortay waana ixtiraamaynaa dookhiisa.” ayay raaciyeen.

Xiriirka ayaa sida muuqata dhex galay arrimo siyaasadeed, taasoo in badan ka duwan dishibiliinka ay ku shaqeeyaan xiriirrada ciyaaruhu.

Hadalsame Media