Wax kasta oo aad uga baahan tahay MUSHARRIXIINTA u taagan abaalmarinta FIFA

0

(Zurich) 24 Luulyo 2018 – Xiriirka kubadda cagta caalamiga ah ee FIFA ayaa ku dhawaaqay liiska musharrixiinta u taagan laacibka ama macallinka u taagan afarta qaybood ee ay abaalmarinta ku bixiyaan ee The Best FIFA Football Awards™ taasoo lagaga dhawaaqayo xaflad 24 Sebtembar ku qabsoomi doonta magaalada London.

Waxaa musharrixiinta ka mid ah Ronaldo oo sanadkii tegey markii 3-aad hantay Champions League isagoo u safnaa Real Madrid, sidoo kalena qaaday gool dhalinta, waxaana wehlinaya garabka Reds ee Mohamed Salah, kaasoo Liverpool geeyay Final-kii CL ee Kiev isla markaana u dhaliyay 44 gool. Waxaan il la saarin jookarka Paris Saint-Germain ee Neymar ama Paul Pogba, waloow uu qaaday KA2018.

Liiska musharrixiinta afarta qaybood:

LAACIBKA UGU FIICAN RAGGACristiano Ronaldo (Portugal/Real Madrid CF/Juventus FC); Kevin De Bruyne (Belgium/Manchester City FC); Antoine Griezmann (France/Atlético Madrid); Eden Hazard (Belgium/Chelsea FC); Harry Kane (England/Tottenham Hotspur FC); Kylian Mbappé (France/Paris Saint-Germain FC); Lionel Messi (Argentina/FC Barcelona); Luka Modrić (Croatia/Real Madrid CF); Mohamed Salah (Egypt/Liverpool FC); Raphaël Varane (France/Real Madrid CF).

LAACIBADDA UGU FIICAN HAWEENKALucy Bronze (England/Olympique Lyonnais); Pernille Harder (Denmark/VfL Wolfsburg); Ada Hegerberg (Norway/Olympique Lyonnais); Amandine Henry (France/Olympique Lyonnais); Samantha Kerr (Australia/Sky Blue FC/Perth Glory FC/Chicago Red Stars); Saki Kumagai (Japan/Olympique Lyonnais); Dzsenifer Marozsán (Germany/ Olympique Lyonnais); Marta (Brazil/Orlando Pride); Megan Rapinoe (USA/Seattle Reign FC); Wendie Renard (France/Olympique Lyonnais).

MACALLINKA UGU FIICAN RAGGAMassimiliano Allegri (Italy/Juventus FC); Stanislav Cherchesov (Russia/Russian national team); Zlatko Dalić (Croatia/Croatian national team); Didier Deschamps (France/France national team); Pep Guardiola (Spain/Manchester City FC); Jürgen Klopp (Germany/Liverpool FC); Roberto Martínez (Spain/Belgian national team); Diego Simeone (Argentina/Atlético Madrid); Gareth Southgate (England/English national team); Ernesto Valverde (Spain/FC Barcelona); Zinédine Zidane (France/Real Madrid CF).

MACALLIMADDA UGU FIICAN HAWEENKA: Emma Hayes (England/Chelsea Ladies FC); Stephan Lerch (Germany/VfL Wolfsburg); Mark Parsons (England/Portland Thorns FC); Reynald Pedros (France/Olympique Lyonnais); Alen Stajcic (Australia/Australian national team); Asako Takakura (Japan/Japanese national team); Vadão (Brazil/Brazilian national team); Jorge Vilda (Spain/Spanish national team); Martina Voss-Tecklenburg (Germany/Swiss national team); Sarina Wiegman (Netherlands/Dutch national team).

FIFA ayaa liiska min 3-da qof ee iskugu soo hara ee xaadiri doona xafladda London soo saari doonta horraanta bisha Sebtembar 2018.

Hadalsame Media