CUNSURIYADDA CIRKA FOG: Maxaa ka jira in aan dadka MADOWGA ah loo ogolayn inay CIR-BIXIYEEN noqdaan? (Dood)

0

(Cape Canaveral) 24 Luulyo 2018 – Howlgallada Hawada Sare waa meelaha yar ee aanay saamaynin siyaasadda istaraatiji ahaan colka ah ee Maraykanka iyo Ruushka, balse waxaa iminka soo baxday su’aasha ah in ay Ruushku si kas ah u diidaan cir-bixiyeennada madowga ah.

Dood ay qabatay Xarunta Istaraatijiga ah ee Daraasaadka Caalamiga ah oo uu xiriirinayay Todd Harrison ayaa su’aal lama filaan ah ku halgaadey maamulaha NASA ee Jim Bridenstine isagoo waydiiyay: “Maxay ku dhacday in 52 cir-bixiyeen oo raacay Markabka Ruushka ee u goosha Hawada Sare aanu ku jirin hal mid oo African American ah? Maxaa soconaya?”

Harrison wuu sii amba qaadoo wuxuu yiri: “Ma Ruushanka ayaa diidaya cir-bixiyeennada madowga ah?”

Waxaase Ruushka furtay Maamulihii hore ee NASA, jaalle Charles Bolden, oo laftiisu Afrikaan-Maraykan ah oo ku duulay markanka Ruushku u diro saldhigga Hawada Sare ee Mir Space Station sanadkii 1994, oo meesha ka saaray cunsuriyadda lagu tuhmey Ruushka.

“Ma garanin halka ay fikraddani ka timid, balse waa mid aan waaqici ahayn,” ayuu yiri Bolden oo daba dhigay: “Weligay, dhamaan intii aan ahaa Maamulaha NASA, ma arag wax muujinaya arrintaa waxaana si joogto ah ula shaqaynayay Roscosmos iyo cosmonauts-ka Ruushka.”

Bolden ayaa dhan kale u dhigay sheekada isagoo leh: “Dhib badani halkan (Maraykanka) ayuuba igu haystaa, marka xagga loo eego,” isagoo qosol dheer ku dhufanaya.

Hadalsame Media