Kooxda Juventus oo soo bandhigtay naqshadda baskeeda cusub + Sawirro

0

(Torino) 23 Luulyo 2018 – Kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa si wanaagsan isu diyaarinaysa xilli-ciyaareedka soo aaddan ee horyaalka Serie A dufcaddiisa 2018-19.

Waxaa maanta soo baxay naqshadda cusub ee baska ay adeegsan doonto kooxda Juventus oo ay farsamaysay sharikadda IVECO ee dalka Talyaaniga, kaasoo loo qaabeeyay hab ka tarjumaya astaamaha kooxda Dameer-farowga ee Bianconeri.

Meelaha la geliyay astaamaha kooxda waxaa xitaa ka mid ah digsiyada taayarrada baska ee hoos kaga bogo sawirrada.

Hadalsame Media