DHACDO UGUB AH: Bordeaux oo ballan ka baxyo naadir ah kula kacday AS Roma! (Maxaa dhacay?)

0

(Bordeaux) 23 Luulyo 2018 – Isbeddel lala yaabay ayaa dhacay, iyadoo haatan la sheegayo in Barcelona ay afduubi karto dalabkii AS Roma ay ku qaadan rabtey Malcom kaddib markii ay Bordeaux oo horay u sheegtay inay Roma kula heshiisay ay kaddib u diidey rukhsaddii uu ugu duuli lahaa Italia.

Malcom ayaa lagu wadey inuu fiidkan ka dego gegada Ciampino si uu caafimaadka berri ugu maro Giallorossi, kaddib markii ay kooxdaasi ogolaatay inay weeraryahankan kusoo qaadato €36m oo euro, labada kooxina wada xaqiijiyeen heshiiska.

Yeelkeede, Sky Sport Italia ayaa haatan sheegaya in Les Girondins aysan ansixin rukhsaddii uu laacibku ugu duuli lahaa caasimadda Talyaaniga, kaddib markii ay dalab kale ka heleen kooxda Barca. Arrintan ayaa ah mid la yaab leh.

Faahfaahin dheeraad ah naga sug….


Hadalsame Media