(Dhuusamareeb) 23 Luulyo 2018 – Aabbaha gabadhii yarayd ee 10-jirka ahayd ee geeriyootey kaddib markii lagu sameeyay gudniinka Fircooniga ayaa sheegay inuusan cidna dacwo u qabin.
Gabadha Daahir Nuur ayaa dhiig bax u dhimatay 17-kii bishan Luulyo, laba maalmood uun kaddib markii lagu sameeyay gudniin dhaqameedka Fircooniga.
Balse wuxuu aabbuhu u sheegay Voice of America (VOA) in sida uu yiri “ay dadka degaanku ku qanacsan yihiin” gudniinka Fircooniga isagoo sheegay inay tahay ”dhaqan” uu dalku leeyahay.
Dastuurka Somalia ayaa arrintan diidaya – waloow uusan mamnuucaynin – kaasoo lagu jarjaro xubno aasaasi u ah gabadha, taasoo inta badan keenta dhibaato niyadeed iyo mid caafimaad.
Sida ay qiyaastay Unicef, 98% gabdhaha Somalia waxaa lagu sameeya gudniinka jarjaridda xubinta taranka ee loo soo gaabiyo FGM.
Hadalsame Media