Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo lacago ku xujeeyay Warbaahinada ciyaaraha ka faalooda

0

(Muqdisho) 22 Luulyo 2018Waxaa Muqdisho ka soconaya tartanka dhawaan galka ah ee Star League, kaa soo ay ka qayb qaadanayaan lix kooxood.

Tartamadii la soo dhaafay waxaa si bilaa sharuud ah u baahinayay Tv-yada Astaan iyo Muqdisho Cable oo si Live ah baraha bulshada iyo  keebaladooda ugu sii daynayay kullamada.

Masuuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku war galiyay Astaan iyo Muqdisho Cable in xarun walba laga doonayo lacag dhan 12,000 oo doolar (Laba iyo toban kun oo doolar) haddii aysan dhiibin aan loo ogolaaneen in muuqaalada ciyaarta ay Live u baahiyeen.

Xarumahaan Warbaahineed ayaa isku raacay in aysan bixin lacagta xiriirka ay sheegeen, iyagoo go’aan ku gaaray in war ku saabsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya aan la baahin.

Sida sharciga ah TV-yada caalamka waa ay iibsadaan xaquuqda baahinta ciyaarta, laakiin khabiirada kuadda cagta ayaa aaminsan in heerkaas wali uusan gaarin dalkeena.

Sidoo kale furitaankii tartanka ayaa waxaa garoonka laga waayay idaacadda Gool FM oo iyadana si toos ah u soo tabin jirtay tartamada hoos yimaada xiriirka uu hoggaamiyo C/qani Saciid Carab, lama ogo sababata ka dambaysa.

Hadalsame Media