Muqdisho oo saaka jawi cusub gashay (Ogoow Sababta)

0

(Muqdisho) 22 Luulyo 2018Si wayn ayee u hadal hayaan bulshada is badelka wadooyinka Muqdisho, oo ah in laga qaaday ciidamadii ku sugnaa.

Isgoyska Howlwadaag, Bakaaraha, Sanca, Siinaay, Faralansa, Tarabuunka iyo wadooyin kale ayaa saakay laga waayay askartii lagu arki jiray.

Dhawaan madaxwaynaha Soomaaliya ayaa soo jeediyay in sida ugu dhaqsiyaha badan shacabka loogu furo wadooyinka, kuwaas qaarkood xirnaa.

Asbuucii  la soo dhaafay ilaa iyo shalay wadooyinka ayaa ahaa kuwa furan  balse waxaa baaritaano adag samaynayay ciidamadii ku sugnaa.

Shacabka ayaa si wayn u hadal haya isbadalka lagu arkay Isgoosyada Muqdisho, waxaana tani ay ku soo beegmaysaa xilli maalmihii la soo dhaafay dilal qorshaysan ay ka dhacayeen goobaha ay kusugan yihiin ciidamada Xasillinta sida Isgooska Siinaay, Darjiinka iyo qaybo ka mid ah Waabari.

“Waa jawi ka badalan kii hore oo lama filaan innagu noqday,” sidaas waxaa yiri Axmed Yare oo ka mid ah dhallinta Muqdisho.

Hadalsame Media