DHEGEYSO: Go’aankii guddiga amniga qaranka ee ahaa in lafuro wodooyinka oo laga hadlay

0

(Muqdisho) 22 Luulyo 2018 – Kulankii guddiga Amniga oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu go’aamiyay in waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah la furo, taasoo weli Hay’adaha amniga aysan ka jawaabin Amarka Guddig amniga.

Xaafado badan oo ka mid ah degmada Waaberi ayaa la soo dhigay jidgooyooyin hor leh, iyadoo biro lagu xiray jidcadayaasha laamiga ku soo dhaca, kaasoo aan ka gudbi karin gawaarida yar yar iyo Mootooyinka bajaajta.

Laakiin inbadanb oo laamiyada ah waxaa laga qaaday ciidamadii ku sugnaa, inkastoo weli uu baaritaan socdo.

Khaliif Idiris oo kamida saraakiishii ciidankii dowladdii dhexe G/sare ayaa sheegay in laamaha amniga ay mudan yihiin dad khibrad u leh in loo dhiibo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda aysan shacabka ku kasban karin xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media