Xiiirka kubadda cagta Soomaaliya oo ballanta uga baxay kooxaha ka qayb galaya tartanka Star League

0

(Muqdisho) 21Luulyo 2018Waxaa shalay furmay tartanka xiisaha badan ee Star League, kaa soo ay ka qayb qaadanayaan lix kooxood.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa horay u shaaciyay in kooxdii tartankaan ku guulaysataa la siin doono lacag dhan shan kun oo doolar,balse is badel ayaa yimid.

Isbadelkaan oo ah mid quseeya qarashaadka ayaa  qayb  ka mid ah lacagihii la ballan qaaday looga baxay kooxaha.

Kooxaha ayaa lagu war galiyay in naadigii ku guulaysataa koobkaan  la siin doono lacag dhan $2,500  (laba kun iyo shan boqol oo doolar), halkii ay ka ahayd $5,000 (Shan Kun oo Dollar).

Lama ogo waxa uu salka ku hayo isbadelkaan,  waxaana niyad jab ka muujiyay  kooxaha ka qayb qaadanaya tartankaan.

Hadalsame Media