(Milano) 21 Luulyo 2018 – Waxaa la sheegayaa inay qarka soo saaran tahay in Leonardo de Araujo loo magacaabo Agaasimaha Guud ee AC Milan, gaar ahaan dhanka farsamada iyo la macaamilidda howl-maalmeedka kooxda iyo suuqa.
Sida uu sheegayo qoolka Gianluca Di Marzio oo uu ku raacsan yahay Sky Sports, Leonardo ayaa heshiis la gaarey Milan saacadihii yaraa ee lasoo dhaafay, iyadoo Ivan Gazidis lagu wado inuu isna galo booskii Marco Fassone.
Xidiggii hore ee reer Brazil ayaa AC Milan u dhaliyay 30 goals 124 kulan oo uu u saftay, isagoo deeto u noqday agaasimaha isboortiga, kahor intaanu macallin u noqonnin Rossoneri oo uu la hantay Scudetto iyo Coppa Italia intii uu u dheelayay, isagoo sidoo kale qaaday Koobka Adduunka 1994.
Yeelkeede, 48-jirkan ayaa muran wayn dhaliyay kaddib markii uu Milan uga wareegey dhanka kooxda ay xafiiltamaan ee Inter Milan bishii Diseembar 2010, isagoo u qaadday Coppa Italia, kahor intaanu ka dhaqaajinin 7 bilood kaddib.
Waana sababta aysan u jeclayn taageerayaasha rigliga ah ee Curva Sud oo maalin dhowayd si cad u muujiyay inaysan Leo dambe doonaynin, balse Elliott uma muuqato mid taa dheg u dhigeeysa, waase la arki doonaa.
Paolo Scaroni ayaa saaka loo magacaabay madaxwaynaha cusub ee Milan, balse waa KMG oo waxaa lagu wadaa in labadan nin midkood lagu bedelo, halka uu midka kale bedelayo Fassone.
Hadalsame Media