(Milano) 21 Luulyo 2018 – AC Milan ayaa madaxwayne cusub u magacoowday Paolo Scaroni waxaana sidaa ku baxay Marco Fassone iyo madaxwaynihii hore ee Li Yonghong.
Kulan ay saamileeydu saaka ku yeesheen Cassa Milan oo goor dhow soo afjarmay ayaa xilkii looga eryay milkiilihii hore ee Li iyo agaasimihii guud Fassone iyadoo loo cuskaday ‘just cause’, oo ah inaysan xilalkooda u gudanin si saaxi ah, waxaa kaloo raacaya xubnihii ku jirey Guddiga Fulinta sida David Han Li, Lu Bo iyo Xu Renshuo.
Waxaana dhaxlaya Scaroni oo ah waaya arag dhanka maaraynta ah, sidoo kalena Milan taageere wayn u ah, Marco Patuano, Giorgio Furlani, Stefano Cocirio, Salvatore Cerchione, Alfredo Craca, Gianluca D’Avanzo iyo Franck Tuil, oo isagu ah ninkii Rossoneri ka fujiyay UEFA oo bilowgii ka saartay Europa League balse ay shalay rafcaan ku heshay.
Waxaa weli harsan dhamaystirka maamulka, waayo Scaroni oo haatan xilka haynaya ilaa 2020 waa KMG sidaa darteed waxaa miiska saaran Ivan Gazidis iyo Umberto Gandini oo muddo dheer Milan-tii Berlusconi maamulayay.
“Sharaf bay ii tahay, ka Milanista ahaan inaan noqdo madaxwaynaha kooxda. Elliott waxay doonaysaa inay kharashaad badan geliso kooxda, iyadoo la addeecayo hannaanka dhaqaale wanaagga UEFA FFP,” ayuu yiri Scaroni kaddib dhamaadkii kulanka.
Hadalsame Media