(Muqdisho) 21 Luulyo 2018 – Qaar kamida xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo ayaa mooshin ay doonayaan in xilka looga qaado duqa magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland waxay u gudbiyeen odayaasha.
Xildhibaan Cabdiwaaxid Axmed Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha golahan ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta wuxuu ku sheegay in duqa Gaalkacyo uu baalmaray xeerarkii iyo sharcigii u yaallay golahooda.
Waxa uu tilmaamay xildhibaanka sidoo kale in duqa Gaalkacyo uu wax u qaban waayay shacabka magaaladan, sidaas darteedna ay xilka ka qaadi doonaan.
“Sharciga waan usoo marnay in duqa aan Mooshin ka keenno, waxqabad la’aan iyo hareermar sharciga ah ayuu sameeyey” sidaasi ayuu yiri xildhibaan Cabdiwaaxid.
Dhinaca kale, duqa Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeen ayaan weli ka hadal mooshinkaan laga keenay.
Hadalsame Media
Halkaan hoose ka dhageyso: