(Tehraan) 21 Luulyo 2018 – Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in aanu jiri doonin dal gobolka ku yaalla oo saliid dhoofin doona haddii buu yiri la hor istaago midda Iiraan, waxaana ka horreeysey hanjabaad kale oo uu jeediyay madaxwaynaha dalkaasi Hassan Rouhani.
Odaygan oo mar dhow la hadlayay dan-jirayaasha iyo diblomaasiyiinta dalkaani, wxuuu Khamenei taageeray digniintii Rouhani oo mar sii horreeysey sheegay in ay gebi ahaanba xiri doonaan marin badeedka Hormuz, taasoo ka dhigan in la xannibo Gacanka Persia.
“[Taasi] waa war muhim ah oo ka tarjumaya sida ay arrintan u wajahayso Jamhuuriyadda Islaamiga ah,” ayuu yiri Ayatollah oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ugu baaqay inay arrintan si dhow ula socoto.
Hadalsame Media