“Waxaa dib usoo noqonaya horyaalkii Talyaaniga ee aan daawan jirey anigoo ilmo ah” – Neymar

0

(Paris) 20 Luulyo 2018 – Jookarka Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa rumaysan in qannaaska Juventus ee Cristiano Ronaldo uu Serie A u rogi doono midkii uu daawan jirey carruurnimadiisii.

Guuleedka Ballon d’Or ayaaha Bianconeri ugasoo wareegey Real Madrid oo laga siistay €113m, taasoo uu Neymar u arko soo laba kaclayntii Calcio.

“Waxaan qabaa in Cristiano Ronaldo uu horyaalka Talyaaniga soo celin doono oo uu ka dhigi doono midkii aan daawan jirey carruurnimadaydii” ayuu arbaha Brazil u sheegay Fox Sports.

Hadalsame Media