(London) 20 Luulyo 2018 – Macallinka Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa sida lasoo werinayo Talyaaniga ka dalbaday dhamaanba waxyaabaha uu jecel yahay gaar ahaan cuntada, sigaarka iyo xitaa kombiyuutarkii uu ku shaqayn jirey.
Sida uu sheegayo weriyaha The Sun ee Alvino Cagnazzo, Sarri ‘kama helo cuntada Ingiriiska’ isagoo ‘aan kalsooni badan ku qabin xitaa makhaayadaha Talyaaniga ee London’, tiiyoo ay jirto inuu kaaliyihiisa Gianfranco Zola soo tusay makhaayadaha Talyaaniga ee ugu wanaagsan Galbeedka London.
Sidaa darteed, macallinkii hore ee kooxda Talyaaniga ah ee SSC Napoli wuxuu Talyaaniga kasoo ‘raranayaa hilib lo’aad, kafee ama bun iyo Farmaajo, iyadoo uu Cagnazzo sheegay inaysan ninkan celin karin waxaan ahayn kafeega Kimbo oo lagu sameeyo isla magaalada Napoli ee uu macallinka ka ahaa 59-jirkani.
Dhanka farmaajada, wuxuu Sarri cunaa mozzarella nooca lagu sameeyo Caserta iyo Napoli – oo ah laba magaalo oo ku wada yaalla gobolka Campania ee koonfurta Talyaaniga – iyo hilib lo’aadka Tuscania oo ah gobolka uu kasoo jeedo, gaar ahaa ‘dhasha waylaha Chianina’.
Ugu dambayn, wuxuu macallinka Blues’ sidoo kale dalbaday kombiyuutarkii uu ku shaqeeynayay waagii uu joogey Napoli, si uu ugu howlgalo xerada tababarka Cobham, iyo weliba sigaarkii uu cabi jirey ilaa waagii Empoli, ee Merit.
Hadalsame Media