(London) 20 Luulyo 2018 – Kooxda Chelsea ayaa soo bandhigtay funaanaddeeda dibedda ee fasalka 2018-19, balse taageerayaasha ayaa ka sheekeeynaya Eden Hazard oo sawirka ka muuqda, tiiyoo aanu kala caddayn mustaqbalkiisa Stamford Bridge.
Hazard ayaa kaddib wacdarigii Koobka Adduunka oo uu xulkiisu ka galay kaalinta 3-aad, waxaa lala xiriirinayaa inuu ku biiri doono kooxda haysata Champions League ee Real Madrid.
Balse Blues ayaa kusoo dartay bandhiggeeda funaanaddeeda JAALLAHA ah oo xusuus waaagsan ku leh kooxdaas taasoo ay ku dheeli doonto kulamada bannaanka ah, taasoo funaanadda sare oo qur ihi ay joogto £90 gini, waxayna taageerayaashu isku qanciyeen inuu Belgian-ku sii joogi doono maaddaama uu sawirka kasoo muuqday.
Hadalsame Media