(Milano) 20 Luulyo 2018 – Sida uu sheegayo Gianluca Di Marzio oo la hadlay Sky Sports, AC Milan ayaa durba wada hadal meel wanaagsan maraya kula jirta qannaaska Karim Benzema ee u safta Real Madrid.
Wada hadalkan ayaa la sheegay inuu soo bilowday Isniintii, goortaasoo uu Ludovic Fattizzo (wakiilka wadahadalkan) iyo laaciba uu booqasho ku yimi Milanello isagoo la fariistay Mirabelli, iyo xitaa Gattuso oo ah ninka hindisaha leh.
Laacibkan Faransiiska ah ayaa la sheegay inuu xitaa si gaar ah ula hadlay macallinka Rossoneri, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu xirto funaanadda Milan, balse wuxuu qaataa 9 milyan oo euro, isagoo dalbanaya in qandaraas dheer loo saxiixo.
Laacibkan ayaa ka mid ah xayn weeryahanno ah oo ay ugu yaraan midkood doonayso kooxda Milan, kuwa kale waa Morata, Higuain, Bitshuayi iyo xitaa Zaza.
Hadalsame Media