RASMI: Goolwale Alisson oo ku biiray kooxda Liverpool + Sawirro

0

(Liverpool) 19 Luulyo 2018 – Kooxda Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la wareegtey adeegga goolwalihii AS Roma ee Alisson, kaasoo ay ku qaateen €72.5m.

Goolwalahan ayaa ka mid ahaa kooxda Giallorossi ee sanadkii tegey gaartey nus-dhamaadka Champions League, isagoo ay cayrsanayeen kooxo badan oo Yurub ah, balse waxaa maalmihii dambe aad ugu dadaashey kooxda Reds.

Alisson ayaa maanta caafimaadka ku maray England, haatanna si rasmi ah ayaa loo xaqiijiyay inuu yahay laacib Liverpool ah, iyadoo 26-jirkan Anfield ku keentay €62.5m oo lagu biiriyay €10m oo bareemiyo ah, waana qabtihii abid ugu qaalisanaa, iyadoo Reds ay horay u haysatey rikoodhka daafaca ugu qaalisan dunida oo ah Virgil van Dijk oo ay Jannaayo ku qaadatay €80m.


Hadalsame Media