AC MILAN VS NOVARA: Ciyaartan oo aad berri ka daawan karto meel aan abid horay looga daawan!

0

(Milanello) 19 Luulyo 2018 – Waxaa berritoole ciyaar saaxiibtinnimo tii ugu horreeysay fasalkan 2018-19, yeelanaya kooxaha AC Milan-Novara oo dhacaysa saacadda 17 xilliga maxalliga ah, taasoo ku qabsoomaysa xerada tababarka Milanello.

Kooxda Gennaro Gattuso ayaa kaddib u duulaysa Maraykanka, halkaasoo ay kaga qayb qaadanayso tartanka caalamiga ah ee 2018 International Champions Cup, waxayna ciyaartan taageerayaashu ka daawan karaan baraha ay AC Milan ku leedahay baraha bulshada sida Twitter, iyo sidoo kale Milan TV oo toos u baahinaya.


Waa markii ugu horreeysey ee ay AC Milan Twitter u adeegsato inay ciyaar toos ah kasii dayso waxayna webkeeda rasmiga ah ee acmilan.com kusoo qortay: “Milan waxay dooratay Twitter inay taageerayaasheedu kala socdaan ciyaartan saaxiibtinnimo, fiiltar la’aan iyo xannibaad la’aan, waxaana ciyaarta lagu tebin doonaa af Ingiriisi, si loo qanciyo 7 milyan oo kooxda kala socda Twitter“.


Hadalsame Media