(Liverpool) 18 Luulyo 2018 – Warar badan oo ka imanaya England iyo Italy ayaa sheegaya in Liverpool ay aqbashay dalabka AS Roma oo ah €75m oo ay ku qaadanayso goolwale Alisson, iyadoo haatan ay tafaasiil yari uun harsan tahay.
Naadiga Ingiriiska ah ayaa shalay gaarey €60m iyo €10m lagu daray oo bareemiyo ah, taasoo u dhowayd dalabka Giallorossi, balse La Stampa iyo Sky Italia ayaa haatan sheegaya in Reds ay gaartey dalabka kooxda Yeeyda ama Lupi.
Dalabku guud ahaan waa €75m, iyadoo uu weriyaha La Stampa ee Matteo De Santis uu u kala dhigayo €60m oo lagu daray €15m oo bareemiyo ah.
Sky ayaa sidoo kale baahinaya, waxaana kaliya haatan harsan in laga xaajoodo qaabka loo bixinayo lacagtaasi iyo qaab dhismeedka bareemiyada.
Alisson: Liverpool goes running. For now, Chelsea does not free Courtois who wants Real. And look to Donnarumma. Hot afternoon
— Alfredo Pedullà (@AlfredoPedulla) July 18, 2018
Hadalsame Media