DAAWO: Dabato Ruush ah oo ay duufaani ku heshay Badda Madoow (Maxaa dhacay?)

0

(Black Sea) 18 Luulyo 2018 – Waxaa baraha bulshada sida duufaanta muuqaalka ka muuqata u xulaya isla muuqaal ay duubeen kaluumaysato Ruush ah, kuwaasoo ay dad badani qabaan inay ahayd inay meesha dhaqso uga cararaan.

“Duufaantan oo dhul iyo cir isku toshay, waxay naga fogayd 500 mitir. Waxay ahayd mid qurux badan oo aad u ballaaran,” ayuu yiri Pavel Chernyavsky, oo muuqaalkan ku sharraxaya Instagram video, kaasoo ay kasoo duubeen Gelendzhik oo ku taalla badda Black Sea.

“Laga yaabee, inay nasoo gaari doonto,” ayuu ku kaftamay, waloow aan codkiisa laga dareemaynin xitaa waxyar oo walaac ah.

“Waa mucjiso inaan badbaadnay, markii ay duufaantu nagu timid waxaan isku daynay inaan ku xiranno markab naga wayn, balse xarkihii ayay googooysay, kaddibna waxaan ku dhacnay markabkiiayuu muuqaalka kale ku yiri Pavel.

Hadalsame Media