(Madrid) 17 Luulyo 2018 – Sida uu dhigayo warsidaha Daily Mail, macallinka SSC Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa waydiistey milkiilaha kooxdaasi e De Laurentiis inuu u keeno ardaygiisii hore ee Karim Benzema.
Qannaaska Faransiiska ah oo Koobka Adduunka ka maqnaa, ayay dhici kartaa inuu Real Madrid iskaga dhaqaajiyo kaddib Ronaldo, oo shalay soo caga dhigtay gegada Juventus.
Wuxuu warsidahan facshariga ihi intaa raacinayaa in Florentino Perez uu laacibkaa ku fasixi karo 45 milyan oo euro, Real, ayaana dhanka kale, beddelkiisa soo arkatay waana Rodrigo oo Valencia i safta, halka CR7 uu beddeli doono Eden Hazard.
Hadalsame Media