Xildhibaanno eedeeyey hey’addaha samafalka ka howlgala gobolka Baay

0

(Muqdisho) 14 Luulyo 2018 – Xildhibaannno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo kuwo K/galbeed ah ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay ku dhaliileen waxqabad la’aan hay’adaha Samofal ee ka shaqeeya deegaannada gobolkaasi.

Saalax Axmed Sheekh oo guddoomiyaha degmada Bardaale ee Baay ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ka jirto degmadaasi.

“Degmada Waxaa ka taagan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, sida caafimaad darro, raashiin la’aan iyo hoy la’aan, sidoo kale dadka halkaasi jooga waxya doonayaan waxbarasho, hay’adihiina wey ka gaabiyeen in dadkan ay wax u qabtaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdi oo ka mid ah baarlamaanka K/galbeed ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka gala degmada Bardaale ay furan yihiin, sidaasi darteedna maamulka K/galbeed iyo hay’adaha laga doonayo iney tagaan halkaasi.

Dhanka kale xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin waxqabad la’aanta hay’adaha samofalka ah, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay in degdeg wax loogu qabto shacabka Berdaale.

Hadalsame Media