Eleven Sports oo iibsatey xuquuqda ay Serie A ugu baahin karto UK & Ireland

0

(London) 13 Luulyo 2018 – Eleven Sports, ayaa ka mid noqotay hillinadda helay xuquuqda ay horyaalka Serie A ugu tebin karaan UK iyo Ireland, seddaxda sanadood ee soo aadan sida ay sheegeen.

Sharikaddan oo uu leeyahay guddoomiyaha Leeds United ee Andrea Radrizzani ayaa horay u haysatey xuquuqda La Liga loogu baahin karo UK, haatanna waxay xuquuqda Serie A ka qaadatay BT Sport.

“Eleven Sports waxay ku dhawaaqaysaa in ay jaal ganacsi la noqotay IMG iyadoo UK iyo Ireland ku baahinaysa ciyaaraha Talyaaniga, waxaan samayn doonnaa laba kannaal oo u gaar ah Serie A iyo La Liga,” ayuu u dhignaa war rasmi ah oo ay soo saartay Eleven Sports.

Kannaalladan cusub ayaa noqonaya Eleven Sports 1 iyo Eleven Sports 2 kuwaasoo wixii loo gaaro Agoosto si toos ah u baahinaya ciyaaraha Talyaaniga weliba qaab online ah ayaa ku jira. ”Waxaan dadka tusi doonnaa Cristiano Ronaldo” ayay ku qoreen Twitter-ka.


Serie A oo beryihii dambe liicay, ayaa sanadihii yaraa ee dambe muujinayay astaamo soo kabasho iyadoo tusaale ahaan sanadkii tegey ay aad sare ugu keceen taageerayaasha imanaya garoomada kooxaha Talyaaniga, waxaana sanadkan kusoo biiray xiddigga adduunka ee CR7.


Hadalsame Media