DAAWO: GAS!…Justin Trudeau oo inta RW Belgium salaantii la dhaafay xaaskiisa hab siiyay & falcelin ka dhalatay!

0

(Brussels) 12 Luulyo 2018 – Wasiirka Koowaad ee Canada, Justin Trudeau, ayaa salaanta la dhaafay dhiggiisa Belgian-ka ah, isagoo toos u abaaray xaaskiisa oo uu qoorqooraystay, jeer uu taagan yahay RW Charles Michel oo weli la taagan salaantii lagu qallajiyay.

Trudeau ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qaybgelaysay kulan-madaxeedkii NATO ee ka dhacay Belgium isagoo xilligaa casho u yimid madasha, wuxuuna Trudeau u muuqdey nin sida maamuus ahaan la fili karaba, salaanta ula haanyoonaya Charles Michel oo isna si kal iyo laab ah salaan isula baacinayay, balse ma dhicine wuxuu ka dul dhacay Amélie Derbaudrenghien isagoo kaddib uun u jeestey Michel.

Michel ayaa deeto qosol gariir si uun u sirgaxan isku maaweeliyay jeer ay kaamirooyinku yaabban yihiin, isagoo weliba u muuqdey mid kala jiidaya hoggaamiyaha Canada iyo saaxiibtiis.

Weriye Canadian ah ayaa arrintii Twitter-ka geeyay, deetana waxaa ka dhacday falcelin cajiib ah oo sidii dab xagaa ugu baahdey baraha bulshada.

Hadalsame Media