
(Milano) 11 Luulyo 2018 – Hay’adda Elliott Management ayaa haatan si rasmi ah ula wareegtey AC Milan kaddib markii uu qaamihii ay ku lahayd oo guud ahaan dhan €412m oo euro uu bixin waayay milkiilihii hore ee Yonghong Li iyagoo ballan qaaday inay raasumaalka shaqo ee kooxda ku daraan €50m oo euro.
“Milkiyadda kooxda AC Milan waxaa maanta lagu wareejiyay Wakiillada Elliott Advisors (UK) Limited (“Elliott”),” ayuu warku u dhignaa.
Elliott ayaa sheegtay in ay dusha u ridanayso sidii loo maalgelin lahaa naadigan taariikhiga ah oo looga dhigi lahaa koox dhaqaale ahaan deggan, isla markaana kasoo baxda xeerka dhaqaale wanaagga UEFA Financial Fair Play, iyagoo sheegay inay maanka ku hayaan inay kooxda iyo macallin Gattuso la gaaraan ahdaaf han sare ku dhisan.
“Marka hore, Elliott waxay khasnadda kooxda ku shubaysaa €50m si loo dejiyo dhaqaalaha kooxda ku baxaya, kaddibna waxaa lagu shubayaa raasumaal kale si loo maalgeliyo isbeddelka kooxda AC Milan” ayay tiri Elliot oo ah hay’ad Maraykan ah oo uu maamulo Paul Singer.
Elliott ayaa sheegtay inay kooxda Milan kusoo celin doonto booska sare ee ay ku leedahay kubadda Yurub iyo caalamka, iyadoo doonaysa inay kooxda cayiliso, sida ay u badan tahay ay kaddib sii iibiso, waloow ay hadda warkooda ka muuqato inay doonayaan inay kooxda iyagu lahaadaan.
Hadalsame Media