Al-shabaab oo gubay guryo dad rayid Ah oo ku yaalla deegaanka Caad

0

(Muqdisho) 08 Luulyo 2018 – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degaanka Caad ee gobalka Mudug kooxo katirsan Al-Shabaab ay dab qabadsiiyeen Guryo ku yaala degaankaasi, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneed xiisad dagaal oo u dhaxeesay dadka deegaanka iyo al-shabaab.

Dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa Sheegay in Al-Shabaab weli ay ku sugan yihiin degaanka Caad ee gobalka  Mudug, islamarkaane ay bilaabeyn in gubaan Guryaha iyo wixii la mid ah si ay ugu aar-gutaan dagaalkii ay la geyn dadka deegaanka.

Mahad Xasan Maxamed  Wasiir ku xigeenka Amniga ee maamulka Galmudug oo la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shacabka ku nool Degaanka Caad ee iyo deegaano kalaba.

Wuxuuna sheegay maamulka Galmudug ay ka arinsan doonaan arintaas iyo sidii wax looga qaban lahaaba.

Xaaladda Deegaanka ah mid kacsan,waxaana weli taagan Xiisad dagaal oo u dhaxeysa dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shaabab.

Hadalsame Media