DHEGEYSO: Funaanadaha Sweden oo gaarey heer laga waayo dukaamada maxalliga ah!

0

(Jönköping) 06 Luulyo 2018 – Berri oo Sabti ah xulka Sweden ayaa la ballansan dhiggiisa Ingiriiska oo ay wada ciyaarayaan rubuc-dhamaadka Koobka Adduunka 2018, balse way adag tahay inaad dukaamada dalkan ka hesho funaanadda xulka Sweden.

Marka aad tagto dukaamada iibiya funaanadda Buluug Dahabiga ah ee Sweden ama aad furto webabka laga dalbado, waxa qura ee aad heli kartaa waa funaanadaha yar yar ee carruurta.

Meelaha uu agabkani ku yaraaday waxaa xitaa ka mid dukaanka silsiladda ah ee Intersport, oo ah dukaanka rasmiyan u haysta qandaraaska tafaariiq iibinta funaanadda xulka qaranka Sweden. Waxayna u muuqataa inuu soo daahay qofkii iminka u baahda funaanadda Sweden.

– Nasiib xumo sidaas ayay u egtahay. Waxaa la iibsadey funaanado aad u badan oo kuwa Sweden ah todobaadkii tegey, ayay tiri Matilda Ryberg, oo iibisa Intersport laantiisa Jönköping.

Maaddaama ay funaanadihii xulka Sweden u dhamaadeen sida bansiin dabayshaday, haatan waxaa la iibinayaa wax kasta oo jaalle iyo buluug ah, sidaa darteed waxaa soo baxay fursado cusub.

– waxaa xitaa adag inaad hesho funaanadaha jaallaha ah ee caadiga ah ee Adidas, marka funaanadaha kale ayaan dadka magaca ugu qornaa, ayay raacisay Matilda Ryberg.

Dabcan farxadda ku hareeraysan guulaha ay Sweden ilaa iminka kasoo hooysey Koobka Adduunka ayaa sabab u ah kororka dalabka funaanadahan, balse Sweden ayaan 24 sano usoo gudbin rubuc-dhamaadka Koobka Adduunka, sidaa darteed ma dhici kartaa inay dukaamada ka dhaadhacsanayd inay sanadkanna kusoo hari doonto wareegga hore.

–  waxaannu eegnay tirakoobyadii hore, marka taas ayaannu dalabkeenna ku salaynay, laakiin haatan dadku waa faraxsan yihiin’ ayay tiri Matilda

Xulka Sweden ayaa gegada Samara Arena ee magaalada Samara, kula ciyaaraya Ingiriiska oo taariikhda markii ugu horreeysey rigoore kusoo badiyay ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka.