MAS’ALO WAQTI: Goorta uu Ronaldo kasoo degayo Torino oo la sheegay & lambarkiisa oo la diyaariyay!

0

(Torino) 05 Luulyo 2018 – Warar cusub ayaa iska soo daba dhacaya, iyadoo kuwii ugu dambeeyay ay sheegayaan in Cristiano Ronaldo uu isla Sabtiga berri dambe ah u duulayo magaalada Torono isagoo  €100m ugasoo wareegaya kooxda Real Madrid oo uu ka aadayo Juventus.


Jookarkan Portuguese-ka ah ayaa u muuqda mid la hubo inuu ku biirayo kooxda Bianconeri, oo u diyaar ah inay halkii fasal faraha ka saarto €30m oo euro.

Haatan SportMediaset ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Giuseppe Marotta iyo midka isboortiga ee Fabio Paratici ay diyaar u yihiin inay dayuurad khaas ah u qaataan Madrid si ay ula kulmaan Florentino Perez, oo ay heshiiska lasoo saxiixanayaan.

Juve oo kalsooni ku qabta heshiis dhaca ayaa durba u diyaar garoobaysa imaanshiyaha laacibka adduunka oo ay doonayaan inay keenaan Torino.

Ronaldo ayaa Sabtiga kasoo degi kara gegada Caselle Airport, kahor intaan loo dhigin garoonka Allianz Stadium oo lagusoo bandhigayo.

Hadalsame Media