SAWIRRO: Juventus oo durba dhadhamisey FAA’IIDADA Ronaldo (Maxaa dhacay?)

0

(Torino) 05 Luulyo 2018 – Juventus ayaa durba dhadhamisay nacfiga dhaqaale ee Cristiano Ronaldo, waayo waxaa 22% sare u kacay saamigeeda, oo ay haatan ku korortay €160m oo euro.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in CR7 uu €100m kaga iman doono Real Madrid Sabtiga, balse dad badan baa is waydiinaya sida ay Bianconeri lacagtaa ku bixin karto, taasoo ah €30m sanadkiiba, balse noqonaysa €60m marka lagu daro canshuuraha iyo adeegyada kale, balse xalku wuxuu ka muuqdaa dhanka suuqa saamiyada.

Saamiyada Juventus ayaa kacay 22 boqolkiiba 3-dii maalmood ee ugu dambeeyay, isagoo kasoo kacay €665m isla markaana gaarey €825m, sida ay faafinayso majaladda dhaqaalaha ka faalloota ee Calcio e Finanza.

Sharikaadka saamiga ku leh Juve ee Exor controls, Ferrari, FIAT, Jeep iyo qaar kale ayaa la sheegayaa inay bixin doonaan mushaharka Ronie.

Sidoo kale maadaama uu Cristiano Ronaldo leeyahay gawaari badan oo noocyada qaaliga ah, Il Sole 24 Ore iyo Mediaset Premium waxay sheegayaan in laga dhigi doono wejiga caalamiga ah ee sharikadda Talyaaniga ah ee Ferrari taasoo farsameeysa gawaarida qaaliga ah.

Taa oo qura ayuu Ronaldo sanadkii ku heli doonaa €20m oo euro, balse ma aha lacag ka baxeeysa khasnadda kooxda, waana khiyaano ay horraanba adeegsan jirtey Paris Saint-Germain.

Ronaldo oo ku jeesteeynaya Burgetti Veyron

CR7 oo ag taagan gaari FERRARI ah

Hadalsame Media