DAAWO: Injineerro Soomaali ah oo doonaya inay dib ”u dhisaan” daarihii qaddiimiga ahaa ee Muqdisho! (Qaabkee?!)

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Muqdisho waa caasimad uu dagaal feceed ka reebay balse iminka soo kabaneeysa kaddib ku dhowaad 3 toban sanaale oo dagaallo bilaa micne ah, kaasoo kumannaan Soomaali ah u kala diray daafaha fog ee caalamka.

Statue Sayyid Mohammed Abdullah Hassan
by SomaliArchitecture
on Sketchfab

 

Haatan, magaaladan oo mar ahayd caasimad ka mid ah kuwa ugu casrisan qaaradda Afrika, oo ku hubaysan hoteello qurxoon, masjidyo qadiimi ah iyo xafiisyo dowladeed ayay qaar badan oo ka tirsan maanta weli haawanayaan.

Masaajidka Isbahaysiga, Mogadishu Central Mosque
by SomaliArchitecture
on Sketchfab

 

Yeelkeede, dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa keenay mubaadaro loo yaqaanno Somali Architecture (SA), mashruucan oo ay horkacayaan muhandisiin Soomaali ah oo injineeriyadda ka barta Ingiriiska, Talyaaniga iyo Maraykanka ayaa doonaya inay dib u sawiraan muuqaalkii Muqdishadii mar ahayd caasimad casri ah, si ay dadku u arkaan dhismayaashii iyo taallooyinkii hore.

 

Yusuf Shegow, oo wax ka abuuray barnaamijkan ayaa sheegay inuu arrintan ka qalin daartay mashruuc qaab dhijitaal ah loogu abuuray magaalada Manchester, wuxuuna sheegay inay daraasadeeynayaan kaddibna muuqaal ahaan usoo saarayaan sawirkii oo 3-dhinacle ah (3D), si ugu yaraan muuqaal ahaan loogu arki karo.

 

Hadalsame Media