SWEDEN VS ENGLAND: Arag inta jeer ee ay is arkeen labada dal ee Sweden & Ingiriiska!

0

(Moscow) 03 Luulyo 2018 – Waxaa Sabtiga is ballansaday labada xul ee Sweden vs England oo uu calafku is baday kaddib markii ay kasoo gudbeen wareegga 16-ka oo ay soo quuteen Switzerland iyo Colombia sida ay u kala horreeyaan.

Kulankoodii ugu horreeyay ee ay abid tartan caalami ah oo wayn iskaga hor yimaaddaan wuxuu ahaa 1992-kii, goortaasoo ay Sweden kasoo dagaallantay 1-0, si ay 2-1 ugu dhufato xulka England oo uu xilligaa watey Graham Taylor.

Labadan xul ayaa taariikhda laba jeer uun ku kulmay Koobka Adduunka labada jeerna waxay ku kala bexeen barbarro, sanaddii 2002 goolkii Sol Campbell, waxaa kansalay Jens Alexandersson, ciyaar ku idlaatay 1-1, misna 4 sanadood kaddib waxay isku arkeen Germany waxay ku kala bexeen 2-2.

Kulankoodii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mid saaxiibtinnimo wuxuuna dhacay 2012, wuxuuna caan ku ahaa labaaleeydii caanka baxday ee uu Zlatan Ibrahimovic kasoo laaday 35 mitiri ciyaar ku dhamaatay 4-2 ay Sweden ku badisay.

10-kii kulan ee ugu dambeeyay 3 jeer waxaa badisay Sweden, 2 jeer England, halka 5 jeer ay barbarro ku kala bexeen sida aad uga jeeddo jaantuska hoose.

10-KII KULAN EE UGU DAMBEEYAY EE AY CIYAARAAN LABADA XUL

  • Sweden 4-2 England (2012 friendly)
  • Sweden 2-3 England (Euro 2012)
  • England 1-0 Sweden (2011 friendly)
  • Sweden 2-2 England (World Cup 2006)
  • Sweden 1-0 England (2004 friendly)
  • England 1-1 Sweden (World Cup 2002)
  • England 1-1 Sweden (2001 friendly)
  • England 0-0 Sweden (Euro 2000 qualifier)
  • Sweden 2-1 England (Euro 2000 qualifier)
  • England 3-3 Sweden (1995 friendly)

Hadalsame Media