
(London) 03 Luulyo 2018 – Laacibiinta kooxda Arsenal ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay tababarka ay iskugu diyaarinayaan fasal-ciyaareedka 2018-19 oo uu sanadkan markii ugu horreeysey muddo 2 toban sanaale ka badan uu ku hoggaaminayo macallinkooda cusub ee Unai Emery.
Macallinkan reer Spain ayaa beddelaya Arsene Wenger oo kooxdaa halyeey uga qoran, wuxuuna tababarkii maanta ku bilowday wejiyo dhowr ah oo cusub oo uu isaga laftiisu ku jiro.
Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Hector Bellerin ayaa ka mid ah xiddigaha maanta kasoo muuqday xerada tababarka London ee Colney.
Hadalsame Media