Reysal Wasaare Khayre Oo Amray Fulinta Qodobada Shirkii Baydhabo

0

(Muqdisho) 03 luulyo 2018raisalwasaaraha xukuumada soomaaliya ayaa sheegay In la dhaqan galin doono qodobadii ka soo baxay shirkii amniga qaran ee baaydhabo kusoo idlaay.

Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlayay dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana uu si kulul u sheegay in waajib tahay fulinta qodobadii soo baxay.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulankaas ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan intii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelintawaxyaabihii lagu heshiiyay.

Hadalsame Media