Bil-Dhiiggii ugu dheeraa qarniga oo dhacaya dhamaadka bishan!! (Waa maxay Bil-Dhiig?)

0

(Washington, D.C) 02 Luulyo 2018 – Saynisyahannada cilmi falagga yaqaanna ayaa saadiyay in uu bishan dhici doono Bil-Dhiiggii ugu dheeraa qarnigan, kaasoo bisha u bedeli doona midab casaan xigeen ah.

NASA ayaa sheegtay inuu qorrax madoobaadkani socon doono muddo 4 saacadood ah, halka bil-dhiigga ugu daran la arki doono muddo saacad iyo 43 daqiiqadood ah.

GOORMA AYUU DHACAA BIL-DHIIGGU?

Sida ay qabaan culumada xiddigisku wuxuu dhacaa marka sida ay yiraahdeen uu dhulku uu bisha iskaga gadaamo fallaaraha qorraxda markaasoo ay bishu yeelato midab guduud barxan ah.

Waxaa la sheegayaa in aan qof kasti arki doonin, waloow inta badan laga arkayo caalamka sida Africa, Asia, Australia, Europe, New Zealand iyo South America, halka aan laga arki doonin North America, wuxuuna ku beegan yahay 27-ka Luulyo haddii ALLE idmo.

Hadalsame Media