Kooxda Dekedda oo galabta kullankeedii ugu horeeyay ku ciyaaraysa Tanzania + SHAXDA RASMIGA AH

0

 Dar Es Salaam) 30  Juunyo 2018 Kooxda Dekedda oo ka ciyaarta dalkeena Soomaaliya ayaa waddanka Tanzania  ugu qeyb galaysa tartanka  Cecafa Club Kegame Cup , iyadoo kullan xiiso badan galabta ciyaaraysa.

Kullanka kowaad ee heerka guruubyada waxa ay wada dheeli doonaan kooxda ku soo guulaysatay horyaalka Tanzania ee Simba.

Ciyaarta ayaa soo dhici doonta 2:00 oo duhurnimo,waxaana laga daawan doonaa Azam Tv iyo SS9.

Daa’uud Tubaal,Nuuraani iyo Cabaas ayaa ku soo billaaban doono khadka dhexe halka weerarka ay ciyaari doonaan xiddigaha ajaanibta ee kala ah Ibra,Raymond iyo Mustafa.

Xiddigaha ku soo billaaban doona

Goolhaye Mustaf, Bile,Xasan Afgooye, Baana, Baanu, Tubaal, Nuuraani, Cabaas, Ibra, Rymond iyo Mustafa.