FRA VS ARG 4-3: Mbappe oo Messi ka diray Koobka Adduunka + Sawirro

0

(Kazan) 30 Juun 2018 – France iyo Argentina ayaa ciyaaray kulan aad loo wada sugayay, kaasoo kasoo baxay filashadii jamaahiirta kubadda cagta ee daawanayasa KA2018 CIYAAR 7 gool la iska dhaliyay oo ka dhacday Kazan Arena.

Ciyaarta oo uu safnaa Leo Messi oo loo arko mucjisada kubadda cagta, waxaa ka xiddigeeyay muluqa Mbappe oo laba gool dhaliyay rigoorena keenay, halka Messi uu u muuqdey nin go’doonsan oo aan helin adeeg iyo dabool ku filan.

Waloow Argies iyo Messi laga badiyay misna waxay la tageen wax lagu tilmaamay goolkii ilaa hadda ugu qurxoonaa Koobka Adduunka 2018, kaddib toogtii cajiibka ahayd ee Angel Di Maria.

Goolasha France: Griezmann 13, Pavard 57, Mbappe 64 & 68

Goolasha Argies: Di Maria 41, Mercado 48, Aguero 90+2

Hadalsame Media