(Suqadra) 29 Juun 2018 – Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu jasiiradda Suqadra ee hoos tagta dalka Yaman, balse ay Soomaaliya sidoo kale sheegato, ka bililiqaystay geed naadir ah oo la yiraahdo ‘geed dhiig’.
Geedahan oo la sheegay inuu rartay Imaaraadka oo ay halkaa ciidamo ka joogaan, waxayna dadka Yamaniga ihi caroodeen markii sida la sheegaan geedkaa naadirka ah oo aan dunida meel kale uga oollin lagu arkay jid ku yaalla Dubai.
Gayfanayaan Yaminiin ah ayaa UAE ku eedeeyay inay xadeen geedahan oo caadiyan la yiraahdo “Dhiiga labada walaal” kaasoo lagu yaqaanno gasiiradda Suqadra, kaddibna ay ku talaaleen Dubai.
“Britain waxay koonfurta Yemen haysatey 128 sanadood, weligoodna kuma fikirin inay bililiqaystaan geedahan naadirka ah” ayuu yiri gayfane reer Yaman ah oo la yiraahdo Abbas al-Dhali, kaasoo sheegay in falka uu Imaaraatku ku kacay uu eeddeeda leeyahay Sucuudigu.

Hadalsame Media