(Qaahira) 29 Juun 2018 – Jookarka kubadda cagta Masar, Mohamed Salah, ayaa akhyaarnimo muujiyay kaddib markii ay gurigiisa kusoo qamaameen taageerayaal Masaari ah oo baraha bulshada kasoo helay cinwaanka gurigiisa.
Laacibka oo aan wax caro iyo xumaan ah muujinin, ayaa dibedda usoo baxay isagoo waraaqo u saxiixay taageerayaasha isla markaana sawirro la galay boqollaal taageerayaal ah oo dhoobnaa daaradda gurigiisa.
Sida lagu helay cinwaanka guriga 26-jirkan ayaa lagu qiyaasay inuu taageere ku arkay masjid ku yaalla xaafadda uu joogo, kaasoo deeto daba dhigtay oo soo hubiyay gurigiisa, kaddibna baraha bulshada ku faafiyay cinwaankiisa.
Crowds gather outside @MoSalah’s home in #Egypt after his address was leaked on Facebook . So what does he do? He comes out to greet people and sign autographs…
We are not worthy of #MoSalah pic.twitter.com/85tlob2bDB— shaimaa khalil BBC (@Shaimaakhalil) 29 juni 2018
Salah ayaa todobaadkan dib ugu laabtay dalka Masar kaddib bandhig xumadii xulkiisa ee KA2018, oo gebi ahaanba xulkiisa laga wada adkaaday 3-dii kulan ee heerka guruubka A, iyadoo sida la sheegayo uu booliiska oo goobta yimid uu dadkii kala dareeriyay, si loo badbaadiyo laacibka iyo qoyskiisa.
Hadalsame Media