(Muqdisho) 29 Juun 2018 – Guddi wasiirro ah oo loo xilsaaray xuska maalmaha xoriyada Soomaaliyeed ayaa maanta la kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku jiray dhoola tuska u diyaar garawgii u danbeeyay ee munaasabadda 1da Luulyo.
Bisha #Luulyo waa bil xageyga ku weyn.
1 Luulyo = Waa sanad Guurada xuriyad dalkeena .
15 Luulyo = Waa Sanad… https://t.co/gw0mydZbw6— (●) alkatra (●) (@alkatra1) 1 juli 2017
Guddigan waxay kala ahaayeen wasiirka Gaashaandhiga Xasan Amardanbe, wasiirka Warfaafinta Daahir Geele, wasiirka maaliyada C/raxmaan Beyle iyo saraakiil ciidan.
Munaasabada 1da Luulyo sanadkan ayaa lafilayaa inay siwayn uga duwanaato munaasabadihii hore. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
Hadalsame Media