DAAWO: Midowga Yurub oo isku raacay arrin aysan jeclaysan doonin qaxootigu (Waa maxay?)

0

(Brussels) 29 Juun 2018 – Kaddib kulan socdey 10 saacadood socdey waxay madaxda Midowga Yurub wada gaareen xeer jajab weji badbaadsi ah, kaasoo ku dhisan in dalalka xubnaha ka ah MY ay si ”mutadawacnimo” ah u adeecaan xeerkii muranka dhaliyay ee laga soo saaray qaxootiga.


Kaddib cadaadis ba’an oo ka yimid Talyaaniga oo muddo dheer u arkayay in arrintan kaligood lagu daawanayay, ayay ugu dambayn, 28 dal isku raaceen in dib u eegis lagu sameeyo xeerarkii waajibka ka dhigay meelaynta iyo marti gelinta qaxootiga oo iminka laga dhigay ”mutadawcnimo”.

Qayb ka mid ah heshiiska ayaa xitaa dalalka Talyaaniga iyo Giriigga siinaya inay qaxootiga xerooyin ku oodi karaan haddii ay sidaa guddoonsadaan. Wada hadallada oo soo idlaaday saaka 4:30am, ayaa la isku raacay in la adkeeyo xuduudaha gudaha Yurub, isla markaana la dedejiyo geeddi socodka qofka megen gelyo doonka ah si loo celiyo qofkii ku baasi waaya imtixaanka, waxaa kale oo la isku raacay in haddii uu dal culays fuulo lala wadaago qaxootiga oo qaar laga qaado, kuwaasoo ahaa dalabaad uu Talyaanigu la yimi.

“Gayiga EU, dadka la baadiyo, si waafaqsan xeerka caalamiga ah, waa in lagu qaabilaa dadaal la wadaagayo, iyadoo loo gudbinayo meelo gaar ah, si deeto loo kala saaro qaxootiga rasmiga ah ee ilaalinta mudan iyo soo galootiga dhaqaale doonka ah, waana qorshe ay EU si buuxda u taageerayso.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxda MY, taasoo muujinaysa inay wax badani iska bedelayaan qaabkii hore ee dalalka ay qaxootigu kusoo hormaraan khasab kaga dhigaysay inay qaabilaan.

Waloow ay madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron Chancellor-ka Jarmanka ee Angela Merkel, ay ku faaneen inay iminka guulaysatey wax ay ku sheegeen wada shaqaynta Yurub, misna Giuseppe Conte oo ah RW Talyaaniga ayaa markii hore diidey inuu ogolaado qodobadan, isagoo ku dooday in culayska lala qaybsado dalkiisa, taasoo keentay in wax laga bedelo tibxaha heshiiska.

Conte, oo xilka la wareegay 1-dii Juun, ayaa hoggaaminaya dowlad aan sidaa ula dhacsanayn Yurub oo ay horseed ka yihiin axsaabta midigta fog ee Lega Nord iyo Dhaqdhaqaaqa Shanta Xiddigood Five-Star Movement, markii ugu horreeyseyna ka qayb gelayay kulankan ayaa ku khasbay madaxwaynaha Komishanka Yurub ee Jean-Claude Juncker iyo Donald Tusk inay kansalaan shir jaraa’id oo ay qaban lahaayeen.

Hadalsame Media