ANNA KAALAY IGA XIIR: ”Waan is nacay maxaa yeelay waxaan leeyahay BIDAAR-BARALEEY” (Daawo sheeko cajiib ah)

0

(Rhode Island) 29 Juun 2018 – Waa gabar yar oo la xanuunsanaysa bugtada Alopecia areata, oo sidoo kale loo yaqaanno bidaar baraleey, taasoo uu qofku madaxa ku yeelanayo baro cad cad oo bilaa tin ah oo qiyaastii shilin la eg.

Arrintaas oo waxyaabaha keena uu ka mid yahay diiqadda, ayaa sida kale caadi iska ah, balse aabaha muuqaalkan ku jiraa wuxuu doonayaa inuu gabadhiisa u muujiyo HIILLO nafsaani ah, wuxuuna ku dhaqaaqay arrin aad loogu amaanay.

Riley Sylvaria oo ku nool gobolka Rhode Island, ee woqooyi bari Maraykanka ayaa Facebook kusoo qortay: ”Naftayda ma jecli, waayo TIMO ma lihi”.

Kaddib aabihii ayaa arrinta gacmaha la galay. Wuxuu gabadha yar u dhiibey xiire danabeed, isagoo ku yiri ”madaxa iga xiir” si uu ugu muujiyo in aanay timuhu ahayn oo la jiri karo la’aantood.

Hadalsame Media