(Muqdisho) 28 Juun 2018 – Waxaa saacadihii ugu dambeeyey sii xoogeystay wararka ku saabsan in hoggaamiye sare oo ka tirsan Jabhada Xoreynta Ogaadiniye-ONLF Cabdikarin Qalbidhagax laga sii daayey xabsi guri ku yaala Magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Wararkan oo la isla dhexmarayay maanta oo khasmiis ah ayaa ku sii xoogeystay warbaahinta baraha bulshada inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo laga helay dowladda Itoobiya oo ku aadan siideysmada Qalbidhagax.
Yeelkeedee waxaa wararka la xariira in la sii daayey Qalbidhagax sii xoojiyey sawiradiisa oo isagoo aad u faraxsan oo dheela-cadeynaya lagu daadiyey warbaahinta bulshada, waxaana jira falcelin xoog leg oo dad Soomaaliyeed isku dhaafsanayeen baraha bulshada.
Qaar badan oo ka mid ah dadweynaha ayey layaab ku tahay sida fudud ee Itoobiya ku cafisay kuna siideysay Qalbidhagax oo la aamisan yahay inuu yahay maskaxdii ONLF, ururkaas dagaalo kula jiray Itoobiya muddo sannado ah.
Isla sidaas oo kale waxaa jira dad kale oo Soomaaliyeed oo aad u soo dhaweeyey wararka la xiriira sii deynta Qalbdidhagax hase ahaatee ma jiro war rasmi ah oo wali ka soo baxay Itoobiya ama deegaanka uu ka soo jeedo ee Killinka Shanaad.
Hadalsame Media