(Washington DC) 28 Juun 2018 – Maalin dhowayd bay ahayd markii xoghayaha Warfaafinta ugu qaybsan Aqalka Cad ee Maraykanka, Sarah Sanders la sheegtay in laga soo eryey makhaayad ku taalla Virginia iyadoo eersatay inay u shaqeeyso Donald Trump. Halkan ka DAAWO…
Arrintaa ayaa waxaa ka horreeysey dhacdo lagu orriyay madaxa waaxda Amaanka Qaranka Maraykanka Kirstjen Nielsen mar ay ka cashaynaysay makhaayad ay Mexican-ku ku leeyihiin Washington, DC, sidoo kale Steve Miller ayay sidoo kale ku dhacday, taasoo ka dhigan in dadka la shaqeeya Trump aad loo colaadinayo.
Haatan, waxaa soo baxaysa arrin kale oo ah in xitaa shaqaalaha heerka hoose ee u shaqeeya Donald Trump, ama xitaa kiisaska qaar u codeeyay uun, ay dhibaato kala kulmaan shukaansiga gabdhaha aynigooda ah oo ku qosla, gaar ahaan dhanka haasaawaha internet-ka ee loo yaqaanno Online Dating.
Caadiyan waxaa la sheegaa in ay adag tahay inaad lamaane ka hesho magaalada caasimadda Maraykanka ee Washington DC, sababtuna waa iyadoo ah magaalo marna yar marna ah magaalo maamul oo ay dadka imanayaa u badan yihiin burjawaasi, sidaa darteed, dhallinyaradii ayaa markii ay ku adkaatay waxaa la sheegay inay shukaansigii maxalli ka dhigeen.
Hoos ka DHEGEYSO…
Hadalsame Media